8 Ruux Oo Xanuunka Covid19 Todobaadkii Udanbeeyay Somaliland Ugu Geeriyooday
March 7, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-8 qof ayaa COVID-19 uu ku dilay Somaliland toddobaadkii u dambeeyay, sida uu sheegay Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Cumar Cabdillaahi Bade.
COVID-19 ayaa bishii koowaad ee sannadkan dilay 3 qof, halka bishii labaad uu dilay 7 qof.
Guud ahaan tirada uu dilay cudurku intii lagu gudo jiray sannadkan cusub waa 18 ruux, marka la eego tiro-koobka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, balse tiradu intaas way ka badan kartaa, maadaama dadka qaar ay ku dhintaan guryaha iyo Cusbitaallada gaarka loo leeyahay.