Soomaaliya: Carruur Harraad Ugu Dhintay Degmo Al-shabaab Go’doomisay
March 8, 2021 - Written by admin
Ceelwaaq(Berberatoday.com)-Warar ka imanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya inay halkaa ka jirto xaalad Bani-aadanimo oo aad u daran.
Degmada Ceelwaaq ayaa ku jirta go’doon ay saartay Kooxda Al-shabaab waxaana degmadaasi iyo nawaaxigeeda laga soo sheegaya Abaaro baahsan oo halkaasi ka jira.
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in laba Carruur ahi ay haraad u dhinteen xaaladduna tahay mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa.
Guddoomiye Sahal ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaadhi dadka ku nool degmada Ceelwaaq iyo tuulooyinka hoos yimaadda oo xaaladdoodu tahay mid aad u liidato.