Madaxweyne Biixi Oo Dawladda Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Lugta Hayso In Somaliland Deeqaha Dibedda Ka Maalgashato Mashaariic Waaweyn
March 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay hor-tagay labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaanu u jeediyey khudbad-sanadeedka 2021-ka.
Khudbaddan oo socotay muddo dheer, ayaa waxa uu Madaxweynuhu kaga hadlay siyaasadda Arrrimaha dibedda, Dhaqaalaha iyo Arrimo kale oo ay ka mid yihiin Deeqaha Beesha Caalamku siiso Dal la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Dawladda Soomaaliya lugta hayso in Deeqaha Beesha Caalamka ka yimaadda Mashaariic waaweyn oo raandhiis leh lagaga fuliyo gudaha Somaliland.