Afhayeenkii Hore ee Golaha Federaalka Ethiopia Oo Xabsiga Laga Sii Daayay
March 11, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Afhayeenkii hore ee Golaha Federaalka Dalka Itoobiya Marwo Keria Ibrahim ayaa la sheegay in xorriyadeedii dib loogu soo celiyay, ka dib markii ay ciidamadda ammaanku xabsiga u taxaabeen iyada oo wax laga saarayo qalaalasihii siyaasadeed ee ka jiray deegaank Tigreega.
Khayria Ibrahim oo ay ahayd in ay maanta hor tagto Maxakamadda ayaa Go’aan ay gaadhay Maxakamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Dalka Ethiopia waxa ay ku go’aamisay in laga sii daayo xabsiga Ciidamadda Booliska.
Waxa ay sheegeen Ciidamadda Boolisku in Keria Ibrahim mar horeba ay la fasaxay.
Keria Ibrahim waxa ay ka mid ahayd masuuliyiinta sarsare awooda ku dhex leh xisbiga TPLF, Waxaanay Xilka afhayeenka Golaha Federaalka Dalka Itoobiya iska casishay Horaantii Bishii June ee Sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2020, waxaanay Xilligaasi is casilaadeeda u dacal saaraysay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la wada sugayay ee ay ahayd in ay dalkaasi ka dhacaan.
wixii intaasi ka dambeeyay waxa ay Bustaha dhigatay Deegaanka Tigreega oo ay asal ahaan ka soo jeedo, waxaanay ciidamadda amaanka ee dalkaasi gacanta ku soo dhigeen iyada iyo xubno kale oo ka tirsan TPLF Markii duulaanka lagu qaaday.