Hay’adda Xuquuqul Insaanka Ee Amnesty Internationa Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Xorriyadda Ee Wariyeyaasha Ka Hawlgala Deegaanada Puntland
March 13, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Hay’adda Arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheeggtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda xorriyadda ee Wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland.
Waxaanay masuulyiinta Maamulka Puntland ugu baaqay inay siidaayaan Wariye Aadan Faarax Kilwe oo xabsi ku yaala Puntland ku xidhan inka badan 70 todobaatan maalmood.
Hay’adda Amnestay ayaa sidoo kale madaxda Puntland ugu baaqday inay ilaaliyaan xorriyadda qowlka iyo in bahda warbaahinta ay si madax banaan u gutaan hawl maalmeedkooda.