Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Oo Sheegay In Dawladnimada Somaliland Oo Taabbo-gashaa Hiil U Noqonayso Soomaalida Muqdisho
March 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Soomaaliya ay fahmaan in Dawladnimada Somaliland oo Taabbo-gashaa ay hiil u noqonayso Soomaalida Muqdisho iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo la hadlaya Wefti ka soo qayb-galay xuska Dheelminta Nebiyullaahi Muxamed CSW oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu qabnaa Dawladnimada Somaliland oo taabba gashaa hiil bay u tahay Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, Gurmad baanu u noqonaynaa, Soomaalinimada ayaanu u gurmanaynaa, reer Muqdish ayaanu u gurmanaynaa, dhibka lagu hayo ayaanu ayaanu wax ka xallinaynaa, walaal Ag taagan oo is garabsada, waa in intaasuun ay nala fahmaan Madaxda Soomaaliya joogtaa..”