Xisbiga UCID Oo Rejaynaya Inuu Xisbiyadda KULMIYE Iyo WADDANI kaga Guulaysto Doorashooyinka Soo Socda
March 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Doorashooyinka isku sidkan ee foodda inagu haya, rejada ay Xisbi ahaan qabaan, waxaanu ku taliyey in mar walba cadaaladda iyo garsoorka Xisbiyada lagu dedaalo.
Prof. Cali Saleebaan Maxamuud oo ka mid ah Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doorashooyin baa inoo dhacaya, Doorashooyinkana waa laba Doorasho oo isku sidkan oo mar wada dhacaya, culayskeeda iyo hawsheeda ayey leedahay, waana Doorashooyin ka sal balaadhan Doorashooyinkii hore, maadaama Musharraxiin aad u tiro badan oo ka kala sharaxan Saddexda Xisbi Qaran, una sharaxan Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ay tartan galayaan, markaas in loo caddaalad sameeyo, oo si cadaaladda loogu xaqsooro ayaan ku baaqayaa, waxaana Komishanka leeyahay mar walba cadaaladda ku dedaalla oo xaqsoorka ku dedaala, oo mar kasta dhex u ahaada Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”.