Somaliland”Sahamin Lagu Samaynayo Dad Uu Ku Haleelay Caabuqa Covid-19
March 16, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in ay samaynayo Sahamin lagu ogaanayo tirada dadka uu haleelay Xanuunka Covid-19.
Sahamintan oo ay gacan ka gaysanayso hay`adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa waxa lagu tirakoobi doona tirada dadka uu ku dhacay xanuun kani iyo dadka uu hada hayo.
“Waxa aynu doonaynaa bal in aynu ogaano dadkii uu xanuun kaasi ku dhacay ee ka bogsaday iyo dadka uu hada hayo” waxa sida yidhi Agaasimaha guud ee Wasarada caafimadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Agaasimaha guud ee Wasarada Caafimadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye