Diyaarad Sida 65,000 Doze Oo Talaalka AstraZeneca COVID19 Ah Oo Somaliland Soo Gaadhay Iyo Shaki Badan Oo Laga Qabo Isticmaalkiisa
March 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Diyaaradii siday talaalka cudurka Covid19 ayaa shalay galinkii danbe ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Talaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah AstraZeneca, kaas oo lagu wareejiyey Wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, 65,000 Doze.
Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in talaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.