Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Heerka Covid-19 iyo Tallaalkiisa oo Dalka la Keenay
March 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi oo maanta hadal ka jeediyey Munaabsibad Shirkadda Somtel Hargeysa ku qabatay oo uu ka qaybgalay, waxa uu ka warramay heerka xanuunka Covid-19 dalka ka gaadhay tan iyo bishii maarso ee sannadkii hore oo labadii qof ee ugu horreeyey xanuunkaas lagaga helay Somaliland.
Waxaa kale oo uu madaxweyne Biixi ka waramay inta laga baadhay, inta laga helay iyo inta u dhimatay xanuunka Covid-19.