Deegaannada Al-Shabaab Maamusho Ee Soomaaliya Oo Lagu Soo Warramayaa In Dad Ugu Dhinteen Cudurka Covid-19
March 17, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Deegaannada ay ka talinayaan ururka Al-shabab ayaa lagu soo waramayaa in ay dad badani ugu geeriyoonayaan cudurka Covid-19, xilli degaanadaasi aanay ka jirin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadka qaba Covid19.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in meelo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka ay ka jirto xaalad culus oo cudurka Coronavirus ah.Sidoo kale, magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in dad ku dhow 1o qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19.