Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Qabsoomaya 30-ka bishan.
March 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa iclaamiyey wakhtiga uu qabanayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi.
Shirkan Golaha Dhexe oo ah kal-fadhigii saddexaad ee Xisbigaasi, ayaa 30-ka bishan waxa uu ka qabsoomayaa HOTEL Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.
Shirkan Golaha Dhexe ee WADDANI, ayaa la filayaa in lagaga hadlo arrimaha Doorashooyinka ee dalku galayo iyo cayimida wakhtiga la qabanayo Shirweynaha Xisbigaasi, oo la filayo in isbeddelo lagu sameeyo xilalka Xisbiga.