Muhaajiriin Somali Iyo Afrikan Kale Isugu Jira Oo Ciidamada Bada Giriigu Bada Ku Daadiyeen Intay Gacmada Silsilado Kaga Xidheen Oo Meydadkooda La Helay
March 21, 2021 - Written by admin
Athens(Berberatoday.com)-Waxaa wili socda Shaqada baadi goobka iyo samatabbixinta ee ay bilaabeen ciidamada ilaalada Xeebaha ee Turkiga si loo helo muhaajiriin soomaali ah oo ciidamada ilaalada xeebaha Giriiga gacmaha silsilado ugu xidheen isla markaasina bartamaha badda uga dhex tageen si ay u dhintaan.
Ciidamada ilaalada Turkiga ayaa helay 3 ka mid ah muhaajiriinta oo meyd ah.
Kooxaha ilaalada Xeebaha ee Turkiga oo doonyo ku tagay bartamaha badda ayaa gaaray meydka 3 muhaajiriin sharci darro ah oo ka yimid Sierra Leone. Waxayna badbaadiyey 3 muhaajiriin ah, kuwaas oo 2 ka mid ah kasoo jeedaan Sierra Leone iyo 1 u dhashey Soomaaliya.
Waxaa la la’ yahay muhaajiriin badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Mudane Süleyman Soylu ayaa sheegay in cutubyada ilaalada xeebaha Griiga ay garaaceen 7 muhaajiriin ah, ayna qaateen hantidooda, gacmahoodana ay ku xirxireen katiinado balaaran oo ay ku tuureen badda iyagoo aan wadan jaakad badbaado iyo doon. waxaa loola dhaqmay si ka baxsan bini aadamnimada.
Soomaaliga la soo badbaadiyay OO lagu magacaabo Maxamed Aadan Maxamuud ayaa hadda lagu daweynayaa cusbitaal ku yaalo magaalada Izmir ee dalkan Turkiga.