Ceerigaabo Oo Lagu Aasay Maanta 6 Ruux Oo Xanuunka Covid19 Ugeriiyoday
March 22, 2021 - Written by admin
Cerigaabo(Berberatoday.com)-Alle Hawnaxariisto 7 Ruux Ayaa Hada Lagu Aasay Xabaalaha Ceerigaabo Waxaana La Sheegay In 6 Kamida U Geeriyoodeen Xanuunka Covid 19 Halka Kale Uu U geeriyooday Toogasho Loo geestay Xalay
Wasaarada Caafimaadka Gobalka Sanaag Kama Hadal Dhimshada Dadka Waayeelka ah Ee Ku Soo Badanaysa Gudaha Ceerigaabo Maalmahan
Xanuunka Covid19 ayaa maalmihii udanbeeyay fara baas kuhayay deegaamada Bariga Somaliland gaar ahaan Gobolka Sanaag Caasimadiisa Ceerigaabo oo caan ku ahaa inay ku nool yihiin dadka ugu Da,da waaweyn Somaliland Maadama oo deegaankaasi yahay Deegaan Qabaw oo Cimiladiisu Wanaagsantahay.
Wariye Abdirahman Elsar