Soomaaliya Oo Caalamka Ka Codsatay Dhaqaale Loogu Gurmado Dad Abaar Iyo Cunto Yari Waajahay
March 25, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya, ayaa Qaylo-dhaan u dirtay Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ah, si kaalmo deg-deg ah ula soo gaadhaan Dad gaadhaya 2.7 Milyan oo Qof, kuwaasi oo waajahaya Cunto yari.
Qoraal Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Soomaaliya 22-kii bishan March, 2021 u dirtay Dawladaha gargaarka bixiya, ayaa lagu sheegay inay Abaari soo wajahday Dad tiradoodu gaadhayso 2.7 Milyan, kuwaasi oo ku kala nool Gobollada Soomaaliya qaarkood iyo Somaliland, sida qoraalka ku cad.