Musharax Shuceyb Maxamed Muuse Oo Xabsiga Hargeysa Lagu Xidhay
March 26, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Hargeysa ku xidhay Shucayb Maxamed Muuse, oo ahaa Musharax u tartamaya Golaha Wakiillada Somaliland sida uu xaqiijiyay Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo ah Xoghayaha Warfaafinta UCID.
Ilaa hadda ma cadda sababta loo xidhay balse dhawaan ayuu Warbahainta ka sheegay in Xukuumadda Somaliland doonayso in ay fashiliso musharaxnimadiisa arrintaasi oo uu Caddaalad-darro ku tilmaamay.
Shucayb, ayaa hore u soo noqday Maayirka Gabilay iyo welib Wasiirka Wershadaha Xiligii Xukumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo
Berberatoday.com