Dawlada Eritaria Oo Ogolaatay Inay Ciidamada Kala Baxdo Xuduuda Dalka Itoobiya
March 26, 2021 - Written by admin
Asmara(Berberatoday.com)-Eritaria ayaa ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Itoobiya, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo booqasho labo maalmood ah ku jooga Asmara ayaa sheegay in Eritrea ay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Itoobiya.
Labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Eritariya Asiais iyo Abiy ayaa qalinka ku duugay in goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Eritariya lagu baddalo kuwa Itoobiya.
Sidoo kale labadda waddan ayaa ku heshiiyey in laxoojiyo xiriirka iskaashiga iyo kan dhaqaale ee soo bilowday sannadkii 2018.