Dawlada Somaliya Oo Sheegtay Inay Fajiciso Ku Noqotay Go,aankii Dawlada Kenya Ee Qaxootiga Lagu Soo Celinaayay
March 27, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go’aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ahaa in gebi ahaanba la xiro xeryahaya qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo tobaannaan kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin.
Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo.
“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.”
“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.”