$400 Milyan Sacaddi Ama 1 Bilyan Oo Dollar Maalintii Khasaaraha Ganacsiga Caalamka Kasoo Gaadhaya Markabka Ku Caaryey Marinka Canal Suez
March 27, 2021 - Written by admin
Suez(Berberatoday.com)-Khasaaraha ganacsiga caalamka kasoo gaadhaya markabka konteenarada sida ee ku caaryey marinka Suez Canal ee isku xidha Badda Cas Iyo Badda Mediterranean-ka yaa waxa lagu qiyaasaya lacag u dhiganta hal bilyan oo doolar(toban kun oo milyan) maalintii ama $400 milyan saacadda qudha.
Boqolaal markab oo badeecado u kala siday jihooyinka waqooyi iyo koonfurba ayaa afarti maalmood ee u dambeeyey ku xayiran marinka Suez.