Xanuunka Covid_19 Oo Heerkii Ugu Xumaa Ka Maraya Burco Iyo Maamulka Oo Sheegay Inuu Waayeelka Ku Dilayo 20 Daqiiqo Gudahood. B
March 29, 2021 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Xanuunka Covid_19, ayaa heerkii ugu xumaa ka maraya Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Maamulka Degmada Burco, ayaa sheegay in mid ka mid ah Xabaalaha Burco bishii hore lagu aasay 103 Ruux, halka bishan dhammaadka ahna lagu aasay 142 Qof, taasi oo markhaati ka ah halista ka taagan Magaaladaas.
