Weeraro Is-miidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Kaniisad Ku Taalla Indonesia
March 29, 2021 - Written by admin
Makassar(Berberatoday.com)-Laba qof oo ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay bannaanka kaniisad katoolik ah oo ku taal magaalada Makassar, ee caasimada gobolka South Sulawesi ee dalka Indonesia, ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Argo Yuwono, oo ah afhayeen u hadlay booliiska Indonesia ayaa u sheegay wariyeyaasha in ilaalada albaabka kaniisaddu ay qabteen ismiidaamiyayaasha, ka dibna uu bamku qarxay.
Yuwono ayaa sheegay inaysan mas’uuliyiintu awoodin in ay waqtigan xaqiijiyaan inta qof ee la dilay, iyo in qaybaha jirka ee ku kala firirsan goobta ay yihiin kuwa is-qarxiyay ama dhibbaneyaal.