Al shabaab Oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Madaxweynaha Jabuuti Iyo Doorashada Dalkaas Kusoo Wajahan.
March 30, 2021 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-kooxda Al shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.
Hadalkan Ayaa waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Hoggaamiyaha Al shabaab Abu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.