Xanuunka Covid_19 Oo Heerkii Ugu Xumaa Ka Maraya Burco, Maamulka Oo Sheegay Inuu Waayeelka Ku Dilayo 20 Daqiiqo Gudahood Iyo Qaylo-dhaantooda
March 30, 2021 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Xanuunka Covid_19, ayaa heerkii ugu xumaa ka maraya Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Maamulka Degmada Burco, ayaa sheegay in mid ka mid ah Xabaalaha Burco bishii hore lagu aasay 103 Ruux, halka bishan dhammaadka ahna lagu aasay 142 Qof, taasi oo markhaati ka ah halista ka taagan Magaaladaas.
Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco, ayaa sheegay in xanuunka Covid_19 marka uu Dadka Waayeelka ah haleelo uu ku dilayo 20 Daqiiqo gudahood.