berberatoday.com
Wasiirkii Maaliyada Ee Xukuumadii Madaxweyne Riyaale Oo Shaaca Ka Qaaday Xisbiga Uu Ku Biiri Doono.
June 15, 2016 - Written by Berbera Today

Borame(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Ambassador Xusen Cali Ducaale (Cawil), ayaa si qoto dheer uga hadlay miisaanka siyaasadeed ee Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo maalintii shalay si ramsi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE,

cawil

waxana uu tilmaamay inuu wax badan kusoo kordhin doono xisbiga uu ku biiray iyo dalkaba. Ambassador Cawil oo munaasibaddii uu professor-ku kaga soo biirayey xisbiga oo lagu qabtay magaalada Borama ka hadlay, ayaa ka markhaati kacay kartida iyo aqoonta professor-ka, waxana uu yidhi, “Rag badan oo siyaasiyiin ah baan wali ku dhiirran siyaasadda oo isha ka eegaya, aniguna waxa aan Ka mid ahay kuwaas daawadayaasha ah, laakiin waan ku faraxsanahay inuu Axmed Ismaaciil Samatar daawadayaashaas ka baxay, waxan rajaynayaa inaan geesinamadeeda yeesho oo aan ilaa bisha Sagaalaad go’aamiyo xisbiga aan ku biirayo.” Ambassador Cawil oo saamayn siyaasadeed ku dhex Somaliland, ayaa isaga laftiisa lagu wadaa inuu dhawaan kusoo biiro xisbiga KULMIYE oo haatan noqday madal ay kusoo hirtaan siyaasiyiinta aragtida dheer leh ee aan xisbina xubno ka ahayni.

Geesta kale, siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Timbaro) oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladdii Madaxweyne Rayaalle iyo tii ka horreyey ee marxuum Cigaal ayaa isna xafladdaasi ka shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE oo uu aqoon, talo iyo xoog wixii uu hayo ku biirinayo. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo Xukuumaddii UDUB ee KULMIYe xilka kala wareegay ka ahaa gaasimaaha guud ee wasaaradda warfaafinta isla markaana cahdigii Madaxweyne Cigaal noqday Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa ayaa tan iyo sanadkii 2010-kii markii xukuumadda KULMIYe xilka la wareegtay aan lagu arag fagaareyaasha siyaasadda isaga oo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa, hase yeeshee dhawaaqan shalay kasoo yeedhay Mr. Tiimbaro ayaa saamayn miisaaman ku soo kordhin karta kasbashada taageerayaasha degmada Axmed Dhagax ee hargeysa Oo Masuulkani dhalasho ahaan ka soo jeedo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews