Wasaaradda Ganacsiga, Oo fulisay Olole Ay Ku dabo Gelayso Dhaqangalka Wareegto Uu Wasiirku Ku Xadiday Qiimaha Shidaalka.
April 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta bilowday olole lagu dabo galayo qiimaha shidaalka oo dhowaan Wasiirka Wasaaraddu uu wareegto kasoo saaray qiimaha lagu iibinayo shidaalka kadib markii kalfadhigii 72aad ee Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo qabsoomay 18/03/2021 lagu go’aamiyey in Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu xal ka keeno qiimaha korodhka shidaalka, hadaba isaga oo Wasiirku ka duulaya taas waxa uu wareegto lagu xadidayo qiimaha shidaalka soo saaray 28/03/2021, sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo hubinaysa dhaqan galka wareegtadaas waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu faray kooxaha Wasaaradda u qaabilsan dabo galka Liisamadda, Qiimaha Maceeshada iyo Shidaalku inay saaka ka bilaabaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimada Hargeysa Olole ku saabsan hubinta ku dhaqanka wareegtadii Wasiirka ee lagu xadiday qiimaha shidaalka isagoona kula dardaarmay in ay si xilkasnimo leh u gud taan shaqadaas.