Wasiirka Madaxtooyadda oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Xisbiga Kulmiye Iyo Xiisadd Ka Dhex Taagan Isaga Iyo Muuse oo Meel Xasaasi ah Maraysa
June 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka madaxtooyadda somaliland maxamud xashi cabdi ayaa laf dhuungashay ku noqday xisbiga kulmiye kadib markii gudoomiyaha kulmiye kaga baxay heshiis ay wada galeen
Gudoomiyaha kulmiye ayaa wakhtigii dagaalka lagula jiray garabkii wasiirkii hore ee madaxtooyadda ee isbahaysiga u balanqaaday maxamud xaashi inuu ka shaqaynayo hindise cusub oo ahaa sidii uu noqon lahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga booskaas oo uu hada fadhiyo maxamed kaahin axmed
taasoo keentay in maxamud xaashi ku dhiirado dagaal culus oo uu ku qaaday garabka isbahaysiga kulmiye ee uu hogaaminayay xirsi, balse muuse biixi oo lagu tilmaamo shaksiyaadka aan wacadka lahayn ayaa muddo yar kadib kaga baxay maxamuud xaashi isagoo sidoo kale ku soo ciyaarsiiyay siyaasi ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo xasan gaafaadhi kaas oo dhawaan muuse biixi ku daray guddida fulinta ee xisbiga kulmiye