Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Dacwad U Gudbinaya Komiishanka Doorashooyinka Qaranka
April 2, 2021 - Written by admin
Xisbiga WADDANI wuxuu sheegay in doorashada tahay Jihaad Ay Dalka ku bedbaadinayaan

Hargeysa(Berbreratoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu Komiishanka doorashooyinka u gudbinayo Dacwad ka dhan ah Musharraxiin uu sheegay in Hantida Dawladda loogu ololaynayo.
Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hadal ka jeediyey xidhitaankii shirka Golaha dhexe ee WADDANI, ayaa sheegay in saddexda Xisbi Qaran iyo Komiishanku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa oo dhigaya inaan Hantida Dawladda Cidna loogu ololayn, laakiin hadda ay soo baxayaan in Riigaggii Biyaha ee Gobolka Sool yo biyo Taakulo ah oo Dawladdu Dad u geysay laga dhigayo Taakulo Musharrax ugu deeqay Dadweynaha, taasina khalad tahay, sidaasi darteed ay Dacwad arrintaa lid ku ah u gudbinayaan Komiishanka.