Wajigii kKoowaad Ee Shirkii Wadatashiga Madaxda Dowladda Fedaraalka Iyo Maamul Goboleedyada Oo La Soo Gaba-gabeeyay
April 4, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa galinkii dambe ee maanta la soo gabagabeeyay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ilaa saaka ka socday Xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni.
Shirkan oo uu maanta furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna shir guddoominayay oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa lagaga hadlay dardar galinta iyo hergilinta doorashooyinka Qaranka oo ay aas aas u yihiin heshiisyadii la galay 17-kii September.