Weerar Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka
April 4, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Weerarkan oo ka dhacay albaabka hore ee Aqalka Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa Booliiska halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi ayaan ku dhacay sida xogta lagu helay xayndaabka laga ilaaliyo amniga dhismaha Baarlamaanka US Capital iyadoo intaa kaddibna darwalkii gaadhiga wadday uu toorray ku boobay askariga oo goobta ku dhintay.
Rasaas ay furreen ciidamadii goobta ka dhawaa ayaa waxaa ku dhintay qofka la tuhusan yahay in uu weerarkan geystay, sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska.