Doon Ku Degtay Xeebaha Jabuuti Iyo Dad Ku Dhintay
April 14, 2021 - Written by admin
Djibouti(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay, halka 12 qof oo kalena la soo badbaadiyay, kadib markii xeebaha dalka Jabuuti ay ku qalibantay dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ahi, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.
Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oo muhaajirin ah kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM.
DOON KU DEGTAY XEEBAHA DJIBOUTI.