Xaalada Deegaanka Dhabar Dalool Ee Labada Beelood Ceel Biyoodka Ku Dagaalamayeen Oo Maanta Dagan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool OO Gaadhay
April 17, 2021 - Written by admin
Sool(Berberatoday.com)-Xaalada deegaanka Dhabardalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa degan maanta kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socdey dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa u baxay deegaanka dhabardalool, si loo joojiyo Colaada ka socota deegaankasi,
Sidoo kale Ciidamada Milatariga Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo shalay ilaa maanta gaadhay deegaankaasi, ayaa ku guuleystey in ay kala raraan maleeshiyaad beeleedkii ku dagaalamay deegaanka Dhabardalool.