Warbaahinta Dunida Oo Qaadaa-dhigay Qoraal Ay Somaliland Ka Soo Saartay Xaaladda Sii cakirmaysa Ee Somaliya!
April 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberratoday.com)-Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa ka hadlay Warka Dawladda Somaliland Shalay ka soo saartay Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, taasi oo sii cakirantay markii ay qaban kari wayday Doorashada Baarlamaanka oo cod iyo qof ah, taa beddelkeedana uu Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday uu muddo-kordhin laba sanadood ah u sameeyay Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii muddo-xileedkiisii dhamaaday 8-dii bishii February ee sannadkan 2021-ka.
Warbaahintu waxay si gaar ah diiradda u saareen hadal ku jiray War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, taasi ay Beesha Caalamka ugu baaqday in aanay Somaliland daba wadin Dawladda fashilantay ee Soomaaliya, balse ay si gaar ah ula Macaamilaan Somaliland.