Siyaasiga Jaamac-shabeel Oo Farriin U Diray Komishanka, Xisbiyada Iyo Musharraxiinta
April 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee bisha dambe dhammadkeeda dhici doona, waxaanu Mushirixiinta kala duwan ee tartamaya ugu baaqay inay si nadiifa oo bilaa turxaana u tartamaan, waxaanu ku taliyey inay dalka ka qabsoomaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.
Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn yidhi “Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa bisha dambe dalka ka dhici doona, Doorashooyiinkana waa Doorashooyin culayskooda wata, ee ALLE ha inooga dhigo Doorashooyin si qurux badan inoogu qabsooma, ee Komishanka masuuliyad aad iyo aad u culays ayaa haysata, ee waxaan leeyahay masuuliyaddiina sida ugu habboon ee uguna daacadsan u guta, caddaaladana mar waliba ilaaliya, Musharixiinta iyo Xisbiyadana dhex u ahaada, Doorashooyin lagu wada qanacana dalka ka qabta”.