Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Siidhadh Uqaybisay Qaar Kamida Beeraleyda Dalka
April 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa maanta beeralayda gobollada Sanaag, Buuhoodle iyo Maroodi Jeex u kala diray siidh waddani ah oo ka kooban; haduudh, digir iyo galley.
Ugu horreyn waxa munaasibaddii lagu kala diraay siidhkaasi ka hadashay madaxa mashruuca Somaliland Siidh Shabcaan Mawliid Diiriye oo ka warbixisay mashruucan iyo muhiimadda uu u yeelan doono bulshada Somaliland ee beeralayda ah, waxaana ay sheegtay in mashruucan uu soo bilaabmay sannadkii 2016-kii uu soo saaray 36 tan oo isugu jira dallagyada Digirta, Hadhuudhka iyo Gallayda, iyadoo sheegtay in dallagyadaasi ay ku kaydiyeen xarunta cilmi baadhista wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ee Abu Riin. Madaxa cilmi baadhista mashruuca Somaliland Siidh Shabcaan Mawliid Diiriye waxay intaas ku dartay in maanta wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ay siidhkaasi u qaybinayso beeralayda Somaliland, iyadoo wasaaraddu ay la hadhay kayd ay mustaqbalka isticmaali doonto.