Gudoomiyaha Baanka Somaliland Baqdaadi Oo Qoraal Laga Qoray Xadhiga Suxufi Aadan Cabdi Ciidle Kaga Falceliyey Hadalo Cay Iyo Aflagaado Ah + Fadeexada Ka Raacday!
April 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib Markii uu dhawaan dacwad ka gudbiyey gudoomiyaha baanka Dhexe jamhuuriyada somaliland mudane Cali Ibraahim Baqdaadi Suxufi Aadan Cabdi Ciidle, oo Maalmihii ugu danbeeyey ku xidhan xarunta dambi baadhista somaliland ee Magaalada hargeisa ayaa bulshada somaliand oo si adag arrintaasi uga hadlay xadhiga suxufi aadan cabdi ciidle oo ay qaar kamida dadka qorayaasha iyo saxaafadu si kulul ugaga fal celiyeen baraha bulshada xadhiga masuulkani kula kacay saxafi aadan cabdi ciidle oo sida la sheegay uu ku haysto inuu ka faafiyey in lacagta qaranka uu ka dhistay hotel uu ku leeyahay magaalada hargeisa.