Dawlada Congo Oo Sheegtay In Madaxwayne Farmaajo Ka Dalbaday In Ay Dhex dhexaadiyaan Midowga Mushaxiriinta Somaliya.
April 19, 2021 - Written by admin
Kinsha(berberatoday.com)-Sida ay sheegtey madaxtooyada Koongo, madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday dhiggiisa dalkaas in uu fududeeyo in wada-hadal dhexmaro Dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed ee Soomaalida.
Madaxweyne Tshisekedi oo hadda haya xilka Midowga Afrika ayaa ka aqbalay dalabkaasi madaxweyne Farmaajo.
Koongo waxay sheegtey in arrintan ay tahay in Afrikaanku ay iyagu dhexdooda xallistaan arrimahooda halkii ay cid kale xallin lahayd.