Sacuudiga Oo Sheegay In La Xidhi Doono Dugsiyada Turkiga Ku Leeyahay Dalkooda.
April 29, 2021 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Ilo Diplomaasi ayaa waxa ay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xidho Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaadho dabayaaqada sannadkan 2021-ka.
Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xidhiidh la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhammaadka sannadkan.