“Hab-dhaqanka Ciidanka Boolisku, Wuxuu Caqabad Ku Yahay Doorashada..” Xoghaye Khadar.
April 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xadhigga Musharraxiinta Xisbigaasi, gaar ahaan Qaasim Aadan Saleeban oo Xisbiga uga sharraxan Gobolka Sool, laakiin ku xidhan Hargeysa.
Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga Waddani.