Barkhad Batuun Oo Xadhigga Ka Jaray Xaruntiisa Ololaha Oo Aqal Soomaali Ah
May 2, 2021 - Written by admin
Musharrax Barkhad Jaamac Batuun oo u taaggan Doorashadda Golaha Wakiillada Gobolka Maroodijeex, ahna Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa xadhigga ka jaray Xaruntiisa Ololaha oo ah mid ku cusub Ololaha Musharraxiinta kana turjumaysa matalaad dhab ah.