Gobolka Sool 4 Carruur Ah Oo Laba Walaalo Ahaayeen Oo Ku Dhintay Balli-biyood Ku Yaalla Deegaanka Gol-jano
May 8, 2021 - Written by admin
Sool(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee, Afar Carruur ah oo la sheegay inay laba walaalo ahaayeen, ayaa ku dhintay Balli-biyood ku yaalla Deegaanka Goljano oo ka tirsan gobolka Sool.
Carruurta oo dhammaantood Wiilal ahaa isla-markaana Da’dooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 10 illaa 13 jir, ayaa Shalay u dabbaal-tagay Balli-biyood ku yaalla duleedka Deegaanka Gol-jano ee Gobolka Sool, halkaasi oo markii dambe ay dhammaantood ku dhinteen.