berberatoday.com
Midowga Afrika Oo Madaxwaynihii Hore Ee Ghana Usoo Magacaabay Ergay Cusub Ee Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.
May 9, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Ghana,  John Dramani Mahama, u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dramani Mahama ayaa la sheegay inuu la shaqeyn doono daneeyayaasha Soomaaliya, si loo gaadho xal loo dhan yahay oo ku saabsan qabashada doorashooyinka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

Guddoomiyaha midowga Afrika wuxuu sheegay in wakiilka cusub ay taageeri doonaan AMISOM, si loo hubiyo in dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageerada nabadda ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan.

Moussa Faki  wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka inay taageero u fidiyaan Wakiilka uu soo magacaabay, kaasoo dalka imaan doona maalmaha soo socda.

20 ka bishaan May waxaa qorshaysan in ay wada xaajood isugu yimaadaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo ka wada hadlidoona dhameystirka heshiiska doorashada ee 17 september.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u soo magacaabay arrimaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inuu kor saameyn ku yeesho shirarka arrimaha doorashada.

Dowladda federalka Soomaaliya waxay hore u sheegtay in ay soo dhoweynayso lana shaqeyndoonto ergayga loo soo magacaabi doono.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews