berberatoday.com
Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Soo Saartay Qoraal Ku Aadan Siyaasaddeeda Qaadka Kenya
May 10, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in weli uu dalka uu mamnuuc ka yahay in la keeno qaadka ka imanaya dalka Kenya, oo dhowr bil kahor Soomaaliya laga joojiyay.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa lagu war-geliyay dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay Soomaaliya, islamarkaana ayna waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in qaadka Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.

Hay’adda, ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya iyada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki doono ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe ka soo saari doono.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa imanaya iyada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegtay inay dib usoo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, dowladda federaalka, ayaa maanta sheegtay in soo celinta xidhiidhkaas aanu saameyn ku yeelan doonin kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda ICJ, kaasi oo ay maxkamadda go’aan ka gaadhi doonto, sida uu qoraal ku sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews