Madaxwaynaha Somaliya iyo Wafti oo hogaaminayo oo Gaadhey Dalka Turkiga
February 22, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu dhawaan ka furmi doono shir lagaga hadlayo aayaha Soomaaliya isla markaana dhaqaale loogu ururinayo doorashooyinka sanadkan 2016.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maalinta Salaasada ah ka furmo magaalada Istanbul, waxaana ka qaybgalaya dalal badan oo kamid ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.
Ilaa hadda waxaa dalka Turkiga u duulay Wefti uu hogaaaminayo Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyo Madaxweynaha Jubaland, sidoo kale waxaa laga sugaaya Madaxweynayaasha maamulada kumeel-gaadhka ah ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.