Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulamo Sagootin Ah La Yeeshay Wufuuddii Kasoo Qayb-gashay Munaasibadda 18 May
May 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka jaarka oo ka soo qayb-galay munaasibadda xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-May.

Wufuudan madaxweynuhu kulanka sabootinta ah uu la qaatay, ayaa ka kala socotay Jabuuti iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waddanka u yimi ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.