Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Wada-hadallada Soomaaliya Ay Niyad-jebiyeen Dalal Doonayey Inay Somaliland Ictiraafaan
May 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadalladii ay Somaliland la furtay dowladda Soomaaliya ay qadiyadda Somaliland waxyeelo u gaysteen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay adduunka ugu macnaysay wada-hadallada in ay yihiin wada-hadalo dib loogu midaynayo Koonfur iyo waqooyi.
“Arrinta way beddeleen shakhsiyaadka kolba Muqdisho fadhiista ee dowladda isku sheega, adduunkii waxay ka dhaadhiciyeen in ay yihiin wada-hadalada lagu midoobayo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Inaguna awood aynu ku fidino nuxurka saxda ah maynaan yeelan”