Ganacsade Soomaali Ah Oo Gaadhigiisa Lagu Gubay Magaaladda Nairobi Iyo Isagii Oo La La’yahay Raq Iyo Ruux
May 22, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade Soomaali ah, ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, balse waxaa laba maalmood kahor duleedka magaalada laga helay gaadhi la rumaysan yahay in uu yahay kiisii oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu haynin nolol iyo geeri.
Ninkan oo ay qareennadiisu ku sheegeen inuu yahay qof furfuran, ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baadhaya.