Ciidamada Militariga Dalka Mali Oo Xidhay Madaxweynihii Iyo Raysal Wasaarihii Dalkaas Iyo Sababta
May 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Militariga dalka Mali, ayaa xidhay madaxweynaha dalkaas iyo waliba Raysal wasaarahiisa, wasiirka difaaca ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaasi.

Madaxweyne Bah Ndaw, iyo Raysal wasaare Moctar Ouane, wasiirkiisa difaaca Souleymane Doucoure, ayaa dhamaantood loo kaxeeyay xero Militari oo ku taala magaalada Bamako.
Xadhiga madaxda dalka Mali, ayaa ku soo beegmeysa bilooyin kadib markii Militariga dalkaasi ay talada ka tuureen madaxweynahii hore Mali Ibemrahim Boubacar.