Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Qaabilay Madax ka Socotay Goob-joogayaasha Caalamiga ah Ee Doorashooyinka.
May 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo uu hoggaaminayay Mr Michael Walls oo ay wehelinayeen, Dr Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr Amaal Cali oo ka mid ah goob-joogayaasha doorashada.
