Dalka Taiwan Oo Somaliland Ugu Deeqday Qalabka Casriga Ah Ee Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha
May 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dowladda Taiwan, ayaa Somaliland ugu deeqday 2500 oo xabo oo ah qalabka loo adeegsado hubinta cod bixiyaha, ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System, oo qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.
Qalabkan oo loo isticmaalo diwaangalinta iyo xaqiijinta codbixiyaha, ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jidheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka.
Qoraal lagu qoray boga xafiiska Tiawan ee Hargaysa, ayaa lagu yidhi “jamhuuriyada Somaliland waa waddankii ugu horeeyay ee is ticmalay tiknoolajiyada aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaadhay taariikhda doorashada adduunka”.