Xukumada Somaliland Iyo Xisbigeeda Kulmiye Oo Diyaarinaya Qorshaha Ka Dhan Ah Isbahaysiga Mucaaridka
June 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Kulmiya ayaa caawa kulano hoose iskugu yeedhay kaadiriyiinta Xisbiga oo uu Horeeyay Madaxweyne Muuse Biixi halkaasi oo ay ku diyaarinayaan qaabkii loo kala jabin lahaa isbahaysiga mucaaridka ee Waddani iyo Ucid
KULMIYE oo hore ugu hirgashay isbahaysiga Mucaaridka in ay ku qaybsadaan 16 sanno ka hor Xisbiga Ucid shirgudoonka Wakiiladda ayaa Hadda wadda in balanqaadayo waaweyn u samaynaaya xubnaha xildhibaanadda ee Xisbiyadda kale si shirgudoonka la saaro Wasiir Faratoon. Geesta kalena Mayirkii hore Caasimada Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco ayaa xidhiidh hoose la samaynaaya xildhibaanadda Deeganka barriga Hargeysa iyo kuwa ay isku Deeganka yihiin isagoo ka raajicinaya inay kalsoonioda codka siiyaan ilaa hadana warka aanu helaynaa waxa uu sheegayaa in Cabdiraxmaan Soltelco gacmo madhan ka taaganyahay Iskudaygaas